Wararka

Midowga Yurub oo Soomaaliya u soo magacaawday Safiir cusub.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu amaanay sida uu ugu qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in Midowga Yurub ka mid yahay xulufada ugu muhiimsan ee ay Soomaliya leedahay kuwaas oo Soomaaliya ka fuliya mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda.Image may contain: 3 people, people smiling, people standing, suit and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting, suit, wedding and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and suitImage may contain: 1 person, sitting and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close