Wararka
Lix dhul-gariir oo kadhacay dalka Albania.
AFarta ruux ayaa uu dhawaca kasoo gaaray darbiyada guryaha oo dumaayay iyo jiingada waxaana looqaaday isbitaalada...
Iyadoo uu dhul gariirku yahay mid kamida massiibooyinka qatarta ku ah noolaha aadanaha ayaa haddana waxaa dhacaa dhul gariiro isdaba jog ah oo ka dhaca qaar kamida wadamada reer galbeedka, qaarada Aasiya iyo Yurub.
Haddaba sabtidii shalay waxaa dalka Albania oo ah dal kuyaalo Koonfur bari Yurub ka dhacay lix dhul gariir oo gaystay qasaro isugu jira dhimasha, dhaawac iyo qax.
Dhul gariirkaas ayaa socday mudda laba saac ah waxaa uuna miisaankiisa dhamaa 5.3, waxaana ku dhaawacantay afar ruux iyadoo ay ku burbureen ilaa 100 guri sida uu goobjooge kusugnaa mesha uu qasaaraha ka dhacay uu u waramay shabkada wararka ee Reuters.
AFarta ruux ayaa uu dhawaca kasoo gaaray darbiyada guryaha oo dumaayay iyo jiingada waxaana looqaaday isbitaalada kuyaalo magaalada Korce sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka difaaca dalkaas.
Sida laga soo xigaty nin ku sugan tuulada Floq oo ah goob ku dhaw meesha uu dhul gariirka kadhacay waxaa uu sheegay in ku dhawaad 50 qoys ay isaga tageen guryahoodi iyagoo maciin biday xaryaha ciidamada militariga dalkaas halka kuwa kalana ay aadeen qaraabadooda.