Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kormeeray deegaanadii ay roobabkii mahiigaanka ka da’een.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer iyo qiimayn ku tegey deegaanka Buura-wadal ee gobolka Sool oo roobabkii da’ay ay waxyeeleeyeen laamiga dheer ee isku xira Garoowe iyo Laascaanood.

Wafdi uu hogaaminayo ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ahna madaxweyne ku xigeenka Puntland oo isugu jiray wasiiro iyo guddigii dhawaan uu magacaabay madaxweyne ku xigenka ayaa maanta kormer ku tagay goobihii ay saameynta ku yeesheen roobabkii ka da’ay deegaanada Puntland.

Wasiirk arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad ayaa marka hore madaxweyne ku-xigenka uga warbixiyay xaalada guud ee goobihii ay saameeyeen roobabka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay gargaarka qax qabashada dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay Puntland.Image may contain: 1 person, standing, cloud, sky, mountain, outdoor and natureImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, sky, wedding and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, sky, wedding, suit and outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky, wedding and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing, cloud, sky, outdoor and natureImage may contain: 4 people, people smiling, people standing, sky, cloud, tree, outdoor and nature

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close