Wararka

Xubin kamid ah al-shabaab oo isku soo dhiibtay Maamulka Degmada Bardaale.

Xubin sare oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa maanta isu soo dhiibay Maamulka Degmada Bardaale Ee Gobolka Baay, sarkaalkan aya lagu magacaaba Ibrahim Maxamed Adan waxaana loo yaqaana ( ibarhim Boolis ).

Ibarhim Boolis ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyada Degmada Bardaale ,iyo Madax sirdoonka Degmada Bardaale Ee Goboka Baay Ibrahim ayaa sidookale ah shaqsi si weyn looga yaqaano Deeganada hoos yimada Bardaale.

Sargaalkaan ayaa Al-shabaab ka mid ahaa ni muddo ah isago sitay Qoriga K47 iyo Booshkiisa waxaana soo dhaweeyay maamulka degmada Bardaale.

Gudoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isaxaaq Araxas oo la Hadley Warbaahinta, ayaa faafahin ka bixiyay sida ay ugu soorta gashey sargaal kaan in uu maamulka Degmada isku soo dhiibo.

Gudoomiye Maxamed Isaxaaq Araxas ayaa waxa uu sheegey in ninkaan uu Xiriiro Badan la soo sameyay maamulkiisa Ka dib sidaasi ay ugu suurta gashay in uu maanta soogaaro degmada Bardaale Ee gobolka Baay.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Degmada Bardaale Ee Gobolka Baay aya baaq udirey Dhalinyarada ka tirsan Al shabab, waxaa uuna sheegay in uu cafis u furanyahay.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close