Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo kulan Gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay isagoo sidoo kale soo maray dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa boqortooyada Sacuudiga ugu qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka isagoo u mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Boqortooyada dalka Sucuudiga waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka Islaamka isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda gacan loogu siin lahaa dib u dhiska dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jeddah ayaa waqti badan kusoo qaatay magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka.