Wararka
Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilkii ka qaadey godoomiyihi degmada warsheekh.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulkasi Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa xilkii looga qaadey Cumar Maxamed Cumar waxana xilkaasi si kumeel gaar ah looga magacabey Axmed Xuseen Axmed shiidka oo horaan usoo qabtay xilkaasi.
Madaxweyne Waare ayaa toos u magacaabayay Guddoomiyaha degmada Warsheekh, halkii ay aheyd in Wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabo oo horay u jirtay magacaabida Gobol iyo degmo inuu soo saari jiray Mr. Caadle, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inuu jiro in Madaxweyne Waare iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle inay ku kala aragti duwanaayeen magacaabidan.
Xil ka qaadistan ayaa imaanysa iyadoo dhowaan madaxweyne waare uu xilkii ka qaadey taliye ku xigeenka Booliska maamulkaasi Hirshabeelle islamarkaana uu magacabey mid cusub.
Hoos ka akhriso magacaabista Guddoomiyaha degmada Warsheekh: