Wararka
khasaraha ka dhashay roobkii daadaka watay ee ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland oo shaciyey.
Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad Waasiirka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay magalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa shaaciyay khasaaraaha ka dhashay roob xooggan oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ka da’ayay degaanno hoos yimaada maamulka Puntland.
Wasiirka ayaa shegay in daadad soo rogmaday iyo danabyo (biriq) ay tureen roobka mahiiggaana oo ka da’ay gobollada Nugaal iyo Sanaag saacadihii la soo dhaafay ay ku geeriyoodeen sagaal ruux.
Wasiir Maxamed Cabdiraxman ayaa intaa ku daray in 100 qoys ay ku xoola beeleen roobabkaasi halka ay go’een ilaa 17 waddo oo ku yaalla gobollada Nugaal iyo Sanaag.