Wararka
Madaxweyne Waare oo ku baaqey in wax laga qabto xaalada siyasaded ee ka taagan Galmudug.
Madaxweynaha maamul gobleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee ka taagn maamulka Galmudug oo marba marka ka dembeysa sii galaysa xaalad adag.
Madaxweyne Maxamed Cabdi ware oo ka hadlayey dhibaatooyin kusoo kordhay wadada xiriirisa Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayuu sheegay in marnaba Hir-Shabeelle aysan maanka ku hayn in ay xiranto wadadaas waxaana baaq uu u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka barlamaanka fadaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.
Ugu denbeyn madaxweyne Waare waxa uu sheegay in Galmudug aysan ubaahnayn in lakala qeybiyo balse loo bahanyahay in la isku soo dhaweyo madaxda Galmudug khilaafku hareeyey lana muujiyo wax qabad dhab ah.