Ciyaaraha
kadib heshiiskii Antonio Conte waakuma tababaraha ugu mishaarka badan horyaalka Italy.
Tababare Antonio Conte ayaa noqday tababaraha ugu mushaarka badan horyaalka Italy ka dib markii uu maanta hishiis uu kooxda inter Milan ku maamulayo laga bilaabo xili ciyaareedka dambe uu qalinka ku duugay.
Macalinkii hore ee Chelsea ee Conte ayaa halkii xili ciyaareed ka qaadanaya kooxda Inter Milan mushaar dhan 11-milyan oo Euro waxa uuna saxiixay hishiis sedex sano ah.
Conte ayaa haatan ku jira booska 5-aad ee tababarayaasha ugu mushaarka badan dunida kubadda cagta waxaana booska koowaad ku jira tababaraha Atletico Madrid ee Diego Someone kaasi oo qaata 23-milyan oo Euro .
Waxaa booska labaad ku jira tababare Pep ee Man City kaasi oo qaata 18-milyan sanadkii waxaa sedexaad ku jira macalinka Barcelona Ernesto valverde kaas oo qaata 12.5 -milyan halka afaraad uu ku jiro Zidane oo Real ah kaasi oo xili ciyaareedkii qaata 12-milyan oo Euro.
Conte ayaa qibrad u leh horyaalka Italy waxa uuna horay Juventus ula soo qaaday sedex jeer is xigta oo horyaalka Italy ah.