Wararka
Booliska dalka Kenya oo xabsiga u tabaaxay nin looga shakiyay shabaabnimo.
Ninkaan oo lagu magacaabo Adan Galhai alias Urisha Galhai oo 22-sano jir ah ayaa diinta islaamka qaatay 2014
Booliska dalka Kenya ayaa xiray nin looga shaki qabo in uu xariir laleeyahay Al-shabaab kaas oo isku dayay in uu gudaha u gala Garoonka kubadda cagta ee Narok halkaas oo lafilaayay in uu qudbad ka jeediya madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Ninkaan oo lagu magacaabo Adan Galhai alias Urisha Galhai oo 22-sano jir ah ayaa sida ay Booliska dalkaasi Kenya sheegeen laxiray habeenimadii jimcaha isagoo isku dayayay in uu gudaha u galo garoonka halkaas oo loo diyaarinaayay in lagu qabto munaasabadda dabaal degga sanad guuradii kasoo wareegatay xiligii uu dalka Kenya xuriyada ka qaatay Guumeystaha balse waxa La sheegay in uu fursad u helay Inuu ka baxsado gacanta Booliska dalkaasi.
sikastaba, ninkaan ayaa dib loo xiray maanta oo sabti ah kadib markii uu dib ugu soo laabtay garoonka inkastoo islmaanta uu baxsaday nin lasocday eedeysanaha sida ay uu qoray wargayska Nairobi News,
Adan Galhai alias Urisha Galhai oo ah nin lagu eedeeyay shabaabnimo ayaa la sheegay in diinta islaamka uu qaatay 2014.