Wararka
UNSOM oo cambaareysay dil magaalada Galkacyo loogu gaystay mid kamida shaqaalaheeda.
Xafiiska Howlaha Gargaarka u qabilsan hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa cambaareeyay dil xalay magaalada Galkacyo loogu gaystay Mohamed Abdi Khayre (Vimto) oo kamid ahaa shaqalaalaha hay’adda Qaramada Midoobay.
Mohamed Abdi Khayre oo xiligii dilka loogaysanaayay kasoo baxaayay masjid ayaa waxaa loola cararay Isbitaal halkaas oo uu ugu danbeyn ku geriyooday.
Vimto ayaa ahaa shaqsi si weyn looga yaqaano magaalada Galkacyo isagoo ahaa Madaxii Amniga ee Hay’adda Qaramada Midoobey ee degaanada maamulka Galmudug.