Wararka
Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) oo lagu wado in uu maanta ka furmo Boqortooyada Sacuudiga.
Magaalada Makka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) oo ay ka qeyb geli doonan Madax farabadan oo Carbeed.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku hoyday Magalada Barakeysan ee Makka ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirkaan.
Hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa lagu marti qaaday kulnkankaan kaas oo looga arrinsan doona la dagaallanka fikradaha gurracan, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa uu dalkaasi Sacuudiga uga qeyb geli doonaa Shir Madaxeed ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka Jaamacadda Carabta, kaas looga hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo magaalada Makka waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Madaxda Carbeed ee ka qeyb galeysa Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC).
Dhankale Boqortooyada Sacuudi waxaa gaaaray Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani kaas oo ka qayb gali doona shirkaan kadib warqad casuumaad ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijiyay in shirkaan oo lagu wado in uu maanta ka qabsooma Magalada Barakeysan ee Makka uu ka qeyb geli doono Ra’iisul Wasaaraha Qatar, kaasoo noqonaya Mas’uulkii ugu heerka sareeyay oo Qatar ka socda ee hor-fariisan doona dalalka Baxreyn, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo labo sano ka hor xiriirka u jaray.