Wararka

Wiilkii ukunta madaxa kaga jabiyay siyaasi ku xadgudbay muslimiinta weerarkii magaalada Christchurch oo lacago ugu deeqay dhibanayaashi weerarkaas.

Da’yarkii  ku can baxay wiilkii ukunta, ka dib kolkii uu madaxa Ukun kaga dhuftay siyaasi ku xadgudbay muslimiinta weerarkii lagu qaaday laba masjid oo ku yaallo dalka New Ziland kaas da’diisu tahay 17-sano jir ayaa lacago gaaraya 70-kun oo doolar ugu yaboohay qoysaskii wax-yeelada kasoo gaartay weerarkii magaalada Christchurch ee dalka New Ziland.

Will Connolly oo ka soo jeeeda magalada  Melbourne ayaa maalinimadii shalay baraha bulshada ku soo qoray in lacagahaasi uu u dhiibayo 2 urur samofal oo qaabilsan taageeridda dadkii wax ku noqday weeraradii 2-dii masjid.

Lacagahaasi ayaa waxaa soo uruuriyeen taageerayaasha wiilkaasi xilli ay ku socotay dacwad loo heystay oo la xiriirtay ukun uu madaxa uga dhuftay Senetor hore (Fraser Anning) oo ka  hadlay weeraradii lagu fuliyay 2-dii masjid.

15-kii Marso ayeey aheyd markii Brenton Tarrant oo ka soo jeeda Australian uu toogasho u geystay dad muslimiin ah oo ku sugnaa 2-masjid oo ku yaala dalka New Zilan,halkaas oo ay ku dhinteen 51-ruux halka boqolaal kalana ay ku dhaawac meen.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close