Wararka

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland oo kormeer kutagay Degmadda Eyl.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland C/khaaliq Maxamed Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tegay xarumaha wasaardda kaluumaysiga Ee ku yaala Degmadda Eyl .

Kormeerka Wasiir kuxigeenka ee uu maanta ku tagay  Degmadda Eyl  waxaa ka qayb ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Farxaan Cali Xaad, iskudubaha gobolka Nugaal ee wasaaradda Mohamed Saciid iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

Waxaa ay wafdiga gormeer u kuur-gal ah ku tageen xarumaha keedka kaluunka ee qaboojiyaasha hoolasha lagu diyaariyo kaluunka iyagoo warbixino ka dhagaystay mas’uuliyiinta gacanta ku haysa goobaha lagu keediya kaluunka.

Socdaalka wafdiga Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa qayb ka ah qorshe ay dowlada Puntland kawado degmooyinka ku yaallo xeebaha Puntland oo kor loogu qaadaayo tayada wax soo saarka kaluunka taas oo shaqa abuur u samayn karto dhalinyarada kunool deegaanadaas.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close