Ciyaaraha

Maamulka Barcelona oo go’aan ka qaatay tababare Valverde.

Kadib wadahadalo dhax maray madaxda kooxda Barcelona iyo tababaraha ee Ernesto Valverde waxa ugu dambaysn laisku afgartay mustaqbalka tababaraha kooxda ee Ernesto valverde.

Kooxda Barcelona ayaa go’aansatay in ay sii haysato tababareheeda Ernesto valverde xili ciyaareedka dambe

Madaxda Barcelona ayaa go’aankaas qaatay kadib markii ay qiimeeyeen booska tababare Valverde ee maalimihii ugu dambeeyay.

Barcelona ayaa ku kalsoon in uu Ernesto Valverde inoo kooxda kuulihii lagu yaqiinay dib usoocelin doono,  madaxda kooxda ayaana taageeray macalinka inoo siiwato shaqadiisa kooxda Barcelona kadib markii eey soo baxeen warar sheegayay ina laracdeeynayo Valverde.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa si joogto ah u difaacay tababaraha Barcelona inkasta oo ay kooxdu sixun ku dhamaystay xili ciyaareedkan.

Haatan maamulka Barcelona ayaa si kama dambays ah go’aan uga gaadhay in uu tababarahu sii hogaamiyo kooxda xili ciyaareedka dambe sida laga soo xigtay wargayska MARCA.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close