Wararka

Taliyaha Ciidanka Badda oo sheegay in aan marnaba loo dul qaadan doonin cidkasta oo kusoo xadgudubta Biyaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeynta balaaran ee lagu sameeyay Ciidamada Badda iyo qorsheyaasha lagu horumarinaayo.

Admiraal Cabbaas ayaa sheegay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya taliska Ciidanka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda.

“Anaga oo fulineyna masuuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilaawnay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”.

Taliyaha Ciidanka Badda ayaa tilmaamay in ay ku dadaaliyaan tayeynta ciidanka Badda si ay awood buuxda ugu yeeshaan ilaalinta badda Soomaaliya taas oo muhiim u ah marxaladda haatan lagu jiro, waxaa uuna sheegay in arrinkaan ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya.

Ugu dambeyn Admiraal Cabbaas Amiin Cali ayaa hoosta ka xariiqay in aan marnaba loo dul qaadan doonin cidkasta oo kusoo xadgudubta Biyaha Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in talisku uu fursad siinayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo daneyneyo in ay kusoo biiraan Ciidanka Badda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close