Wararka
Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka AMISOM ee ka hawlgala magaalada Kismaayo.
Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose C/rashiid C/laahi Cali Gooni ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaar ah ee dowlad goboleedka Jubbaland kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka AMISOM qaybta ka hawlgasha magaalada Kismaayo.
Kulankaan oo ay warbahinta dibad joog ka aheyd ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay arrimo la xiriiri amniga deegaanada Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Guddoomiyaha iyo Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM ee ka hawl-gala Kismaayo ,Janaraal Burhaanu ayaa isku afgartay dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen.