Wararka
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Boqortooyada Sucuudiga.
“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale dowlada Soomaaliya ayaa u yeertay danjireyaasha u jooga dowladaha Suudaan iyo Masar iyadoo amar ku siisay in ay dalka ku yimaadaan muddo asbuuc ah.