Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Puntland oo furay Biyo Xireen Laga Hirgeliyey Deegaanka Salaxley Ee Gobolka Nugaal.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa daah-furay Biyo xireen weyn oo laga hirgeliyey deegaanka Salaxley ee gobolka Nugaal, kaas oo qayb ka ah 10 Biyo xireen oo laga sameeyey gobolada Puntland.

Munaasabad lagu daah-furka biyo xireenka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland wehlinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Xasan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Cabdicaciis Nuur Cilmi Koor, xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi (Gujir), Nabadoono iyo masuuliyiin kale.

Axmed CilmI Cismaan Karaash oo goobta khudbad ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahy Biyo xireenkaan isagoo u mahadceliyey cidwalba oo gacan ka gaysatay dhismaha biya xireenkaan oo ay ugu horeeyso Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo sidoo kale Hay’adaha UNDP iyo GEF oo gacan ka geystey hirgalintiisa.

“Waa inoo furan yahay Biyo Xireenku, waana idiin mahadcelin, wixii aad ka sheekayseen ee ah ilaalintiisa, waa ka ballamaynaa, sida loo maamulayana Wasaaradda ayaa idiin sheegtay, biyo xireeno kalena waa ku soo kordhindoonnaa haddii Alle idmo”. ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

Biyo xireenkan oo laga hirgaliyay deegaaanka Sallaxley ayaa markiiba kaydin kara biyo dhan 120,000 oo foosto, waxaana uu qayb ka yahay 10 biyo xireen oo laga hirgaliyey gobolada Puntland mudooyinkii dambe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close