Wararka

Weerar loo adeegsaday Toorey oo ka dhacay dalka Japan.

Nin ku hubaysnaa mindi ama toorey ayaa weerar ku qaaday caruur Iskooley ah oo ku sugnaa goob boosteejo ah oo ay ku sugayeen Bus wuxuuna halkaa ku dilay  seddex ruux halka tobban iyo lix  kalana uu dhaawacay ka hor inta uu isdilin.

Ra’iisal wasaaraha dalka Japaan Shinzo Abe ayaa sheegay in uu aad ugu xunyahay dhacdadaan ka dhacday meel ku dhaw magaalada Tokyo isagoo ku dhawaaqay In uu tallaabo ka qaadi doona.

Donal trump oo socdaal ku joogay dalka jaban ayaa dhankiisa ka tacsiyadeeyay weerarka maanta ka dhacay Japaan.

“waxaan rabaa in aan u tacsiyadeeyo eheladii dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarka dalka Jaban Dhamaan dadka Maraykanka ah waxay garabtaaganyihiin shacabka Japaan”ayuu yiri madaxweynaha mareykanka Trump.

Sargaal ku sugan caasimada ayaa xaqiijiyay in 16 ruux ay ku dhawacmeen weerarkii lagu qaaday ardayda isagoo sheegay in ardayda dhaawaca soo garay ay u badnaayeen gabdho Iskooley ah kuwaas oo dhiganayeen  iskoolka Caritas Guken oo ah iskool gaar looleeyahay.

Japan ayaa waxay ka mid tahay dalalka ugu hooseeya dambiyada aadanaha inkasta oo ay  Jiraaan  19 Dil Oo Isdaba Joog Ah Oo Ka Dhacay Goob Lagu Xanaaneeyo Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba oo ku yaala dalkaasi.

Waxaana sidoo kale jira dambiyo kale oo diiwaanka galay kuwaa oo dhacay sanadihii 2008 iyo 2001-dii.

Kooxaha gurmadka deg dega oo gar-gaar kawada weerarkii Kawasaki ee u dhaw Tokyo tallaado, 28, 2019.
Bas-kii Iskoolka hoose ee Caritas tallaado, May 28, 2019.
Dad ubaxya dhigaayo meedka dadkii maanta ku dhintay weerarkii Tokyo tallaado,May 28, 2019.
Kooxaha gurmadka deg dega oo gar-gaar kawada weerarkii Kawasaki ee u dhaw Tokyo tallaado, May 28, 2019.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close