Wararka

Dalka Baraazil oo ay 42 maxaabis ku dhinteen

Sida mas’uuliyiin ku sugan dalka Barazil laga soo xigtay 42 maxaabiis ayaa ku dhintay ismaamulka Amazonas ee waqooyiga dalka Barazil kuwaas oo kulala jiray seddex xabsi oo kala duwan.

Dhacdadaan ayaa imanaysa maalin kadib markii ay 15 maxaabis ay ku dhinteen isla caasimada  Manaus ee gobolka Amazonas taas oo sababtay isku dhac maxaabista dhexdooda ah.

Hay’adda xabsiyada gobolka Amazonas ayaa sheegtay in dhammaan 42 maxaabis ee ku dhintay caasimada Gobolka Amazonas ee Manaus ay muujiyeen calaamadaha hawa la’aanta (asphyxia) taas oo sababtay in ay dhintaan.

Dilka loo gaysta maxaabiista ku jirta xabsiyada caasimada gobolka Amazonas ayaa sanadkii 2017 gaartay dhimashada 120  maxaabiis kuwaas oo ku dhintay gacmaha maxaabis kale.

Hooya ku ooyeeysa banaanka xabsiga Anisio Jobim Prison, Isniintii. (AP Photo/Edmar Barros)
Hooya ku ooyeeysa banaanka xabsiga Anisio Jobim Prison, Isniintii. (AP Photo/Edmar Barros)
Boolis sii galaayo xabsiga Anisio Jobim dhimashaddii maxaabista kadib Axaddii (AP Photo/Edmar Barros)
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close