Wararka
Wasiirka waxbarashada oo maalintii labaad kormeer kutagay xarumaha imtixaanka uu ka socdo.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdullahai Godax Barre ayaa maalintii labaad waxaa uu kormeer kutagay qeybo kamid ah xarumaha imtixaanka uu ka socdo.
Kormeerka wasiirka waxaa ku wehlinaayay Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada.
Wasiirjka ayaa goobaha uu maanta booqday waxaa uu kula kulmay arday u fadhiday Imtixaanka isagoo kula dardaarmay in ay niyad wanaag muujiyaan oo ay naftooda ku kalsoonaadaan.
Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada Sare ee dalka ayaa si habsimi leh ugu socda qayba kamida Gobolada dalka iyadoo imtixaankii kan ka horeeyay uu fashil kusoo idlaaday.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda ay mas’uuliyad iska saareyso sidii loo garab istaagi lahaa ardayda Soomaaliyeed.
“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya waxay mar kasta masuuliyad iska saareysaa sidii loo garab istaagi lahaa ardayda Soomaaliyeed”.