Wararka

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay wariye ka howl-galla Magaalada Muqdisho.

Xaruunta Baarista Dembiyada Ee CID ayaa maanta lagu xiray wariye ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ka dib markii wariyahaasi shalay galinkii dambe Loo diray warqad lagu wargalinaayay in uu imaado xaruunta C.I.D-da.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wariye Cali Aadan Muumin oo ah wariye loo diray warqad marka uu tagay xaruunta loo dhaadhixciyay xabsiga.

Ilaa hadda ma cadda sababta ka danbeysay  xariga wariye Cali Aadan Muumin mar aan isku daynay in aan la xiriirno maamulka warbaahinta Goobjoog si aynu wax badan uga ogaano sababaha ka dambeeyay xariga wariyaha ayaa waxay inagu wargaliyeen in hadda aysan ka hadli Karin.

Cali Aadan oo ka mid ah wariyayaasha wardoonayaasha ah ee muqdisho ayaa hadda ah maxbuus ku jira xabsiga iyadoon la ogeyn sababta ay dowlada ku xirtay balse ila wareedyo kale oo aynu helnay ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in wariyuhu uu soo dacweeyay mas’uul katirsan  wasaaradda waxbarashada inkastoo aan si rasmi ah Booliisku u cadeyn nooca eedeyn ee wariyaha lagu heysto.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close