Wararka
Somaliland oo maanta siideysay ku dhawaad 14-askari oo ay ciidamada Somaliland ku qabten dagaalkii Tukaraq.
Sanadkii hore ee 2018 ayay maamulada Puntland iyo Somaliland ku dagaalameen deegaanka tukaraq ee gobalka Sool halkaas oo ay labada dhinac ay ku kala qabsadeen maxaabiis.
Shir jaraa’id oo uu magaalada Hargeysa ku qabtay afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayuu maanta ku sheegay in la sii daayay ku dhawaad 14-askari oo ay ciidamada Somaliland ku qabten dagaalkii Tukaraq ee gobolka Sool kuwaas oo ka soo Jeeda Puntland.
Isla dhinaca kale afhayeenka Somaliland ayaa dowlada faderaalka ku eedeeyay dagaalada ku soo noq-noqday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
18-kii bishan may ayuu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in la sii deyn doono maxaabiistii ay ku qabteen dagaalkii Tukaraq ee dhexmaray Somaliland iyo Puntland.
Akhriso Magacyada 14-ka askari ee la sii daayay.
1) Cabdi-naasir Cismaan Cali
2) Cabdi-nuur Maxamed Cabdulle
3) Maxamed Siciid Yuusuf
4) Cali Faarax Aadan
5) Maxamed Cabdi Caynab
6) Cabdi-xaafid Cabdillaahi Xalane
7) Xuseen Siciid Warsame
8) Cabdi-naasir Maxamed Nuur
9) Maxamed Abshir Aadan
10) Ibraahin Xasan Salaad
11) Axmed Maxamed Axmed
12) Siciid Ducaale Cali
13) Mahad Nuur Cali
14) Faarax Maxamed Cabdi