Wararka

Dowlada qadar oo sheegtay in casuumaad ay ka heshay boqortooyada Sacuudi Carbiya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska boqortooyada dalka Qadar ayaa waa lagu sheegay in ay heleen martiqaad kaga yimid dhanka  Sacuudi Carabiya si ay uga qeybgalaan  kulamada xaaladaha degdegga ah ee Gacanka iyo kan Carabta ee ka dhacaya  magaalada baraakewysan ee  Makka.

Qadar ayaa  muddo laba sano ah waxay ka soo horjeedeen  isla markaana uu khilaaf kaga dhaaxeeyaay wadamada Sacuudi Carabiya, Bahrain, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Afartan dal ayaa ku soo rogay Dowladda  Qadar cunaqabateyn dhaqaale iyo xayiraad diblomaasiyadeed oo soo bilowday  bishii Juun 2017 kadib markii Dowladahaasi ay Qadar ku tuhumeen inay  taageerto falalka  argagixisanimada iyo xiriirka xooggan ee Iran, taas oo Doha marar badan ay beenisay inay aarrintaas ku lug leedaahay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close