Wararka
Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiga oo magacawday wakiilka rasmiga ah ee soomaaliya u matali doona Golaha Iskaashiga Islaamka qeybtiisa Dhallinyarada.
Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga xukuumada federaalka Soomaaliya, Khadiijo Mohamed diiriye ayaa Cabdixafid Xuseen Axmed u magacawday guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo noqonaayo wakiilka rasmiga ah ee soomaaliya u matali doona Golaha Iskaashiga Islaamka qeybtiisa Dhallinyarada.
Wasaaradda ayaa war-qoraal ah oo ay ku magacaawday Cabdixafid Xuseen Axmed waxaa ay u dirtay Golaha Iskaashiga Islaamka iyadoo u rajaysay guul iyo shaqa wacan.
“Wasaarada waxay Muddane Cabdixafid u rajeynaysaa in uu u gudan doono howlihiisa si karti iyo daacadnimo ay ku jirto asaga oo laga doonaayo in uu ku matalo dhallinyarada soomaaliyeed codkoodana gaarsiin doona dalalka Islaamka”.