Wararka
Wasiir Godax Barre “Wasaarada waxey haysataa awood ay ku joojin karto baraha bulshada”
Musuuliyiin uu ugu horeeyey wasiirka wasarada waxbarshada ee dowlada fadraalka Soomaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa kormeer ku sameyey qaar ka mid ah dugsiyada ay ka socdaan imtixaanaadka shahadiga ah ay qadeyso wasarada waxbarshada ee xukuumada fadaraalka Soomaliya.
Wasiir Goodax Barre oo ardayda la hadlay ayaa sheegay in ay diyaar garow balaaran ugaleen sidii uu imtixaanka fashil ugu imaan lahayn mar labaad waxaa uuna ardayda ubalanqaadey in fashilkii hore mid la mid ah uusan imaan doonin
Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in ay warqad codsi ah ugudbiyeen maxakamada sare ee dalka taa oo ah in la hakiyo baraha bulshada inta ay socdaan imtixaanaadka shahaadiga ah isagoo sheegay in wasaaradda ay awood u leedahay in ay hakiso baraha bulshada haddii ay baahi timaado.
“Wasaarada waxey haysataa awood ay ku joojin karto baraha bulshada, haddii aan khatar dareeno waan joogineynaa” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.