Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Koonfur Afrika.
Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Koonfur Afrika.
Madaxweynaha intii uu ku sugnaa dalka Koonfur Afrika wuxuu ka qeyb galay caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, isagoona kulamo la qaatay xalay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Kulankii xalay ee dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed waxaa Xubnaha wafdiga ee la socda Madaxweynaha, Safiirka Soomaaliya u jooga Koonfur Afrika Jamaal Maxamed barrow.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.
xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalka Koonfur Afrika ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday in Madaxda dalkaasi uu kala hadlo dhibaatooyinka mar walba ay u geystaan Madaxda dalkaasi Soomaalida Ganacsi ahaan u jooga.