Wararka

Guddoomiye Yariisow oo shaqa joojin ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Guddoomiye kuxigeenka shaqada laga joojiyay uu sameeyay amar diido iyo shaqo curyaamin uu ka wado qeybta Howlaha Guud iyo Nadaafadda.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Engineeriyadda, isla markaana aanu kala tashan, sidoo kale waxaa la sheegay in Guddoomiye kuxigeenka uu amar ku bixiyay in la joojiyo mashruucii lagu dhisayay Garoonka Qoob Door ee degmada Kaaraan.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada ka soo baxday Duqa Muqdisho:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close