Wararka

Madaxweynaha dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo safar u Ambabaxay Dalka Shiinaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa gobolka Mudug ayaa maanta soo gebagebeeyey safarkiisii isagoo u sii gudbay dalka Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Putland.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay safarkiisa isagoo ku dheraaday arrimaha muhiim ka ah ee socdaalka isaga iyo weftigiisa ee dalka Shiinaha isagoo sheegay in ay dalka Shiinaha u tegidoonaan iskaashi ganacsi.

“Waxaan maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka China aniga iyo wefti Wasiiro ka kooban oo ila-socda, safarkaasi waa safar ka kooban sidii wax wadaqabsi noo dhexmarilahaa gobol kamida gobolada China ee dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kala faa’iidaysiga khibradaha ee dhismayaasha wershedaha iyo xoojinta xidhiidhka ganacsi ee naga dhexeeya.”

“Waxaan rajaynaynaa mudadaas aan joogno inaan aragtiyo fiican kala soonoqondoono, Iyagana aan u sharixidoono fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Puntland ay leedahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in dalalka ka qayb-qaata koboceena dhaqaale inay yimaadaan dalkeena, iyagoo usoo maraaya sharciga iyo nidaamka dowliga ah, Dowladda Puntland waxay balanqaadaysaa dhankeeda inay fududayso waxkasta oo horumarka ka qayb-qaadanaya”. Ayuu yiri Madaxweynaha dowlada Puntland.

Madaxweyne Dini ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka saaxiib ka dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee dhinacyada ganacsiga inay kasoo qayb galaan shirka maalgashiga Puntland oo dhowaan Puntland lagu qabandoono.

“Waxaanu Sidoo kale jecelnahay inaan ugu yeedhno iyaga iyo wadamadii hore aan u tagnayba shirka maalgashiga ee Puntland ka dhicidoona oo aan rabno khayraadka dihin ee dalkani leeyahay inay maalgashtaan, sida kalluumaysiga, macdanta, beeyada iyo waxyaabaha la xiriira wax soo-saarkeena”. Ayuu yiri Madaxweyne  Siciid Cabdullaahi Deni.Image may contain: 1 person, standingImage may contain: car, sky and outdoorImage may contain: 7 people, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: sky, aeroplane and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close