Wararka

Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya oo ka dhawaajiyay dhaqaalaha loo bahanyahay si looga hortaga xaaladda bini’aadamnimo ee Soomaaliya.

Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay dhaqaalaha loo bahanyahay si looga baaqsado in xaaladda bini’aadamnimo ay kasii darto waxaa ayna ku dhawaaqeen Qorshaha Gurmadka Abaaraha.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in loobahan yahay adduun lacageed oo gaaraya $710 milyan si caawinaad naf badbaadin ah loola gaaro 4.5 milyan oo Soomaali ah oo ay abaartu saameysay, muddada u dhaxeysa Maajo iyo Diseembar ee sannadkan.

Xilli-roobaadkii Gu-ga (Abr-Jun) guud ahaan wadanka ugama di’in si wanaagsan, arrintan oo ka dhigan xilli-roobaadkii labaad ee aan wanaagsanayn waxaana horay u dhacay abaarihii 2016-17 taas oo ay dadka Soomaaliyed ka soo kabanaayeen.

“Xaaladda abaarta ee Soomaaliya waa mid kasii dareysa waxayna u muuqataa iney kasoo hormartay waqtiyadii la arki jiray marka dib loo eego tobankii sannadood ee lasoo dhaafay”.

“Soomaaliya waxay ku sugantahay xaalad adag,haddii la helo dhaqaale ku filan waxaa dib loo howl gelin karaa farsamooyinkii looga hortegay macluushii 2017,” ayuu yiri George Conway, ku simaha Xiriiriyaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya.

“Annagoo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyneyna sidii loo dhisi lahaa adkeysiga dadka si loola tacaalo waxyaabaha sababa mashaqooyinkan soo laalaabtay, ayaa hadana waxaa loo baahanyahay in cid waliba, oo ay ku jiraan deeq bixiyeyaasha, ganacsatada, Soomaalida gudaha ku nool iyo qurbo-joogtaba ay qayb ka qaataan dadaallada gargaarka,” ayuu raaciyay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close