Wararka

Gudoomiyaha Gollaha wakiilada KGS C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye oo maanta kulan layeeshay odayaasha dhaqanka KGS, taliyaha ciidanka Booliska KGS iyo Guddoomiyaha degmada Baydhabo.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada KGS C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye , ayaa Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka KGS, taliyaha ciidanka Booliska Kg iyo Guddoomiyaha degmada Baydhabo Abdullahi Ali Watiin.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada KGS Sheekhuna Maye ayaa mas’uuliyiinta ka Xog wareystay xaaladda guud Ee amni iyo mid bulshoba isagoo kula dardaarmay in la iska kaashado Horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga isla markaana ay boolisku si wanaagsan oo asluub iyo naxariis ku dheehan tahay ay shacabkooda ugu adeegaa,.

C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa yiri “Shacabka waa inay amni iyo xasillooni dareemaan markay arkaan Booliska loona magangalo ee ma ahan in boolisku uu noqdo mid laga cararo”Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and people eatingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 person, sitting and hat

 

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close