Wararka
Madaxweyne Dini oo magacaabay Guddiga dib u habeynta Hay’addaha Dowladda ee gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Golayaasha dowladda ee safarka ku weheliyey, Saraakiisha ciidanka gobolka Mudug, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu kormeeray xaruunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.
Madaxweynaha dowlada Puntland oo maalmahaan safar shaqa ku jooga gobolka Mudug isagoo u kuur galaayay xaalada amniga, Garsoorka iyo waliba habka maamulka ee gobolka Mudug ayaa waxaa uu go’aansaday in uu kala diray maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug waxaa uuna soo saaray wareegta uu xilal ugu magacaabay mas’uuliyiin si ku meel gaar ah u sii shaqayso.
Wareegta kasoo baxday madaxweynaha Puntland ayaa lagu magacaabay Guddiga dib u habeynta Hay’addaha Dowladda ee gobolka Mudug.
Haddaba hoos ka akhriso wareegtada kasoo baxday madaxweynaha Puntland.