Wararka
Xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee uu hogaamiya Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Hindiya Narendra Modi oo ku guulaystay doorashadii Baarlamanka dalkaas.
Ra’iisal wasaarihii hore ee Hindiya ayaa markale kursi-giisa sii adkaystay oo ku guulaystay doorashadii lixda malin kasocotay dalkaasi Hindiya.
Ra’iisal wasaare Narendra Modi ayaa guul lataaban kara ka soo hooyay kadib markii ay nadiijadii codbixinta ay tusisay in xisbiga Narendra Modi Bharatiya Janata Party (BJP) ku guulaystay 300 oo kursi iyadoo kuraasta guud ee doorashada Baarlamaanka dalka Hindiya ay aheed 543 kursiga.
Xisbiga Congress ee ugu wayn dalkaasi ee uu hogaamiya Rahul Gandhi ayaa aqbalay guuldarada ka soo gaartay tartankii adkaa ee uu la lagalay ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi.
Doorashadaan uu manta ku guulaystay Modi ayaa waxaa ay ka dhigantahay doorashadii awid ugu codeynta badneed oo waxaa codeeyay in kabadan 600 oo million oo dad ah.