Wararka
Somaliland oo baaq nabadeed u dirtay Dowlada Puntland.
Golaha wasiiradda Somaliland ayaa maanta yeeshay Kal-Fadhigii 35-aad oo ay warbixina kaga dhagaysteen Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka, Sidoo Kalena Waxay Goluhu baaq Nabadgelyo u direen Maamulka Puntland.
Waxaa kala fadhiga golaha shir guddoomiyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxaana goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici).
Ugu horeyn, wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka golaha ayaa soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda.
Maamulka Somaliland ayaa dowlada Puntland u sheegay in ay diyaar ula yihiin nabad buuxda oo marnaba duulaan ku aheen Puntland waxaa ayna ugu baaqay in ay Puntland ka fogaato wax kasta oo colaad hor leh dhalin karo.
Wakan nuqul kamida war-saxaafadeedkii ay maanta soo saareen golaha xukuumada Somaliland.
“Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aanay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland, waxaay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada”.