Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibedda  Soomaaliya oo jawaab ka soo saartay dhacdooyinkii isdaba joogay ee Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabayso dhacdoooyin dhawr ah oo ay qaaday dowlada Kenya.

War-saxaafadeedkaan ayaa ku soo aadiya xili shalay la hakiyay wafdi heer sare ah oo ka socday Soomaaliya, kana qeyb gali lahaa shir ka dhacay Nairobi iyagoo loo diiday visa-ha dal kugalka dalka Kenya, kuwaasoo markii dambena dib loogu celiyay magaalada Muqdisho.

Wafdigaan ayaa ku safraayay baasaboor diblumaasi ah, balse dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ahayd in visa-ha ay ka soo qaataan safaaraddooda ku taalla Muqdisho.

Akhriso war-saxaafadeedka oo dhamaan turjuman

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhawaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadidaayey  fiisaha dal ku galka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan, dowlada Soomaliya waxaa ay walac ka muujinaysaa in xubno kamid ah dowlada Soomaaliya oo isugu jira xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo safar u ahaa Nairobi ay saraakiisha socdaalka dalkaas kala wareegaan  baasabooradooda dibna ugu soo qasbeen in ay muqdisha u soo laabtaan”

“Dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan, si baaritaan amni loogu sameeyo.”

“Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaas darteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tix geliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin”.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxayna sii wadi doontaa in ay Soomaaliya kusoo dhawayso muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close