Wararka
Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland oo kullan la yeeshay salaadinta iyo odayaasha dhaqanka Jubbaland.
Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa kulan la yeeshay salaadinta iyo odayaasha dhaqanka Jubbaland, iyagoo odayaasha iyo salaadinta kala hadlayay habka loo maraayo hannaanka xulista golayaasha Barlamaanka Jubbaland.
Guddiga ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabi donaan in ay soo xareeyaan odayaasha dhaqanka Jubbaland si ay uso xulaan xildhibaanada dowlad goboleedka Jubbaland.
Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa sidookale sheegay odayaal dhaqameedka laga keeni doona Dhammaan degmooyinka ay ka koobantahay dowlad goboleedka Jubbaland lana keeni doona magaalada Kismaayo iyada oo la siin doono tababaro ku aadan xalinta khilaafaadka, isku tanaasulka, qancinta beelaha iyo sidoo kale hannaanka soo xulista mudanayaasha baarlaamanka Jubbaland kuwaas oo dooran doona madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland.
Guddiga ayaa wada-tashi la sameeyay odayasha dhaqanka Jubbaland waxaa ayna isku raaceen soo jeedin ay soo jeediyeen guddiga kaas oo ahaa in oday dhaqameed walba uu keeno saddex qof oo beeshiisa, halkii uu keeni lahaa hal qof, Kaddibna looga xusho midkii noqon lahaa xildhibaanka waxaana soo dhaweeyay odayaasha dhaqanka dhaqanka Jubbaland.