Wararka
(Faahfaahin): Qaraxii maanta ka dhacay caasimada Muqdisho.
Qarax xoogan oo maanta ka dhacay agagaarka taalada daljirka dahsoon ee Magaaladda Muqdisho ayaa jugtiisa laga maqlay qayba kamida degmooyinka Gobolka banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo ku qarxay agagaarka taalada daljirka dahsoon.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha gurmadka degdeg ah waxaa ay sheegeen in goobta qaraxa ay ka qaadeen 10 ruux oo dhaawac ah oo caruur iyo haween ku jiraan.
Sidookale waxaa la xaqiijiyay in Gaashaale Faadumo Cali Raage iyo seygeeda oo ka wada tirsanaa ciidanka xooga dalka ay ka mid ahayeen dadkii maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay muqdisho.
Faadumo cali raage waxay ka mid ahayd saraakiisha ciidanka xooga dalka kuwooda ugu firfircoon sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidan xooga dalka.
Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo cambaareeyay qarixii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa qaraxa ku eedeeyay in ay ka danbeyeen ururka Al-shabaab isagoo u tacsiyeeyay eheladii dadkii maanta ku dhintay qaraxa sidookale waxaa uu tacsi u diray qaraabadii ay ka geeriyootay Gaashaale Faadumo Cali Raage.
Ugu danbeyn wasiirka warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha amniga si nabad waarta loohela.