Wararka

Madaxweyne Saciid C/llahi Dini “Booliiska waa halbowlaha nabadda umadda”

Madaxweynaha maamul Gobleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku tagay Xarumaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, Saldhigga dhexe ee Booliska Gaalkacayo, Dambi Baarista iyo cisbitaalka Weyn ee maagalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha kormerka waxaa ku wehlinayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweyne Deni oo saxafada la hadlay kormeerka ka  dib ayaa sheegay in ciidan Booliska looga baahanyahay in ay  laba jibaaraan howsha ay uhayaan bulshada islamarkaan ay diyaar u ahaadaan in ay ushaqeeyaan umadooda.

“Booliiska waa halbowlaha nabadda umadda, hadaan nabadi Jirin horumar ma jiro, hadaan Boliis jirina nabadi ma jirto, waan dareemi karnaa xaalada lagu jiro iyo wakhtiyada la soomaray, kormeerkeena markii uu dhammaado waxaan rajeynaynaa in uu qorshe cad kasoo boxo wixii ciidanka la gudboona, ayaga ayaa looga baahan yahay wixii dowladda looga baahanyahayna waa balan qaadaynaa”Ayuu yir Madaxweyne Dini.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sidookale kormeer ku tagay cisbitaalka Weyn ee Magaalada Gaalkacayo oo dhisme uu ku socdo Madaxweynaha ayaa halkaas kulan kula qaatay maamulka cisbitaalka iyo guddiga horumarinta Gobolka Mudug.

“Gaalakacayo waa ubucdii Soomaaliya, waa meel aad u muhiim ah, cisbitaalku ha noqdo mid caafimaad saldhig u ah iyo hormarada kale ee Soomaaliya iyo Puntland-ba muhiim ayeey u tahay waxaa wax lagu farxo ah in cisbitaalku uu soo saaro dhakhaatiir, dhaakhaatiirta dalka lagu tababaro waxaa ay ka fiican yihiin kuwa dibadda lagu tababaro waayo waxay xog ogaal u noqonayaan baahiyaha iyo qaabka loogu shaqaynayo bulshada” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Gaba-gabadii, madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey dhismaha cusub ee cisbitaalka oo loo dhisay qaab casri ah waxaa uuna bogaadiyey gudiga dhismaha cisbitaalka dedaalka balaaran ee ay muujiyeen iyo heerka ay soo gaarsiiyeen dhismaha cisbitaalka.Image may contain: 7 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 11 people, people standingImage may contain: one or more people, people standing, wedding, suit and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 11 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 peopleImage may contain: 5 people, people smiling, people standing, suit and wedding

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close