Wararka
Dowlada Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska oo kawada hadlay xoojonta xiriirka labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga xukuumada fedaraalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Benjamin James Fender.
Intii lagu guda-jiray kulankaasi, mas’uuliyiinta ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.
Sidookale Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda ay U.K siiso dowlada Soomaaliya.