Wararka
Guddiga doorashooyinka qaranka oo sheegay in ay sharciga la tiigsan doonaan warbaahintii war been abuur ah ka baahiso.
Shir jara’id oo ay ku qabatay xarunta guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka, guddoomiyaha guddiga Xaliima Ismaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayay kaga hadashay waxqabadka gudiga iyo wararka been abuurka ah ee laga baahiyo gudiga.
Guddoomiyaha guddiga, Xaliima Yarey ayaa soo bandhigtay waxqabadka guddiga iyo waxyaabaha loo sameyay oo ay wax badan ka her galeen midaasi oo ay ku sheegtay in ujeedka ugu weyn ee guddiga uu yahay sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho qof iyo codkii ah oo ay ahmiyadda kowaad siinayaan sida ay sheegtay.
Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ismaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa sidoo kale soo hadal qaaday wararka been abuurka ah ee laga baahiyo gudiga lagana been-sheego war aysan sheegin gudiga waxa ay in taasi ku dartay in ay sharciga la tiigsan donaan cid kasta oo war aysan sheegin ka beensheegta.
Hadalka Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka ayaa imanayo kadib maalmihii lasoo dhaafay oo baraha bulshada ay isticmaalaan lagu baahiyay warar been abuur ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka.