Wararka
Antonio Guterres ”Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar ku aadan dhismaha dalka”
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo warbixin siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay wado isbadalo ku aadan dhismaha dalka.
“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar ku aadan dhismaha dalka iyo hey’adihii dowladnimo oo shaqeynaya,laakiin waxaa haboon in laga howlgalo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha Argagixisada islmarkaana loo soo afjari lahaa” waxaa sidaas yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Guterres ayaa sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay jireen rabshado kooban oo ay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab, wuxuuna soo jeediyay in loo midoobo ka hortagga kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.