Ciyaaraha

RASMI- Karim Benzema oo ku guulaystay abaalmarinta xidiga ugu fiican France ee kaciyaaro dibada.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay xidiga ugu fiican France ee ka ciyaara meel ka baxsan dalka France ee sanadka 2019 ee abaalmarinta uu bixiyo xiriirka kubada cagta France ee la siiyo xidigaha ka ciyaara meel ka baxsan dalka gudihiisa.

Xiriirka kubada cagta France ayaa Benzema u doortay xidiga ugu fiican ee ka ciyaara meel ka baxsan France isaga oo abaalmarinta ku garaacay xidigo badan oo ay ka mid yahiin Antoine Griezman ,Pogba , n.golo Kante iyo Hugo Loris.

Majalada France football  ayaa sheegtay in uu Benzema ku helay abaalmarinta  qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu soo bandhigay xili ciyaareedkan waliba isagu hogaamiye ka noqday kooxda Real Madrid kadib bixitaankii Cristiano Ronaldo.

Benzema oo waraysi siiyay majalada ayaa yidhi’ saxafiyiintu waxa ay daawadaan kubada cagta in ay ii codeeyaan waa mid ifarxad galinaysa’

Xidiga reer France ayaa kooxdiisa Real Madrid u ciyaaray 53kulan oo tartamada oo dhan ah waxana uu dhaliyay 30gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 11kale.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close