Wararka

Madaxweyne Dini “dowladnima la’aan nina meel kuma gaari karo”

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray qalabka lagu dhisayo dekedda Garacad oo ka mid ah mashaariicda isku-tashiga ah ee ay iska kaashanayaan shacabka Puntland iyo dowladdooda.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo dhowr arrimood ka hadlay ayaa shacabka deganada Puntland kala hadlay in ay isku-tashi wax kuwada qabsadaan isagoo sheegay in mashaariicdaan ay hadda ku hirgashay dadaalka dadwaynaha iyo dowlada ka dhexjira sidookale madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyay dowladii isaga ka horeeysay daldaalka ay ka gaysatay mashruucaan waxa uuna balan-qaaday in ay xukuumadiisa abuuri doonta mashaariic cusub.

Madaxweynaha ayaa shacabka kala hadlay in ay dowladnimada ku dadalaan oo nabada ka shaqeeyaan, waxaa uu sheegay in puntland arrageeda waxa ay kaga duwantahay dowladaha kala ay tahay maamulka iyo kala danbaynta ka jirta oo isugu jirta qayb dhaqan iyo qayb dowladeed.

“dowladnima la’aan nina meel kuma gaari karo,waad ogtihiin maalin dowlad la’aan ah dhibka ay leedahay Puntland arrageedu wuxuu ugu duwan yahay in badan oo gayiga Soomaaliya ah waa maamulka iyo kala danbaynta ay dhisteen,maamulkaynaas oo isugu jira laba qaybood qayb dhaqan iyo qayb dowladeed oo is wata ayaa horumar lagu gaaraa”.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay cid kasta oo garab ka gaysan karta dhismaha mashruucaan ay hadda wadaan maamulkiisa iyo abaabulkiisa waxaa uuna sheegay in mashaariicda horumarineed aan lakala laheen oo bulshada wax tar u yahay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close