Wararka
Wasiir Goodax Bare oo raali gallin ka bixiyay hadalkii uu ka jeediyay magaalada Jowhar ee ahaa inuu fashilmay Imtixaamka Dowlad Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadalkii uu ka jeediyay magaalada Jowhar ee ahaa inuu fashilmay Imtixaamka Dowlad Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay in warkaas lagu wargaliyay xili uu hadal kajeedinaayay magaalada Jowhar ee caasimada Hiirshabeele laguna wargaliyay in madaxweynaha dowlada Puntland uu ku dhawaaqay in imtixaanka shahaadiga uu fashilmay sidaas dardeed wasiirka ayaa soo saaray war-qad raali galin uu ugu bixinaayo hadalkiisa ahaa in uu imtixaanka Puntland fashilmay.
Hoos ka Akhriso warka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya: