Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Dhalinyarada ku nool caasimada ay awood qaybsiga wax ka siiniyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga ku sheegay in 15kii bilood ee la soo dhaafay uu maamulka G/Banaadir u awoodsiiyey una dhiirigeliyey Dhalinyarada taasoo abuurtay kalsooni ay xirafahoodu ku soo bandhigaan.

Guddoomiye  Yarisow ayaa sheegay in awood-siinta dhalinyarada ay tahay furaha horumarka Caasimadda Muqdisho, waxaa uuna xusay in maamulkiisu uu xoogga saarayo sidii dhalinyarada looga faa’iideysan lahaa xirafahooda.

“Dhalinyarada G/Banaadir ee ku tartamay barnaamijka aqoonta, Fanka, Suugaanta iyo Farshaxanka ee lagu soo bandhigey degmada Xamar-Jajab ayaa dhigay wacdaro soo jiitay bulshada jecel horumarka Caasimada Muqdisho, waxaana naga go’an in dhalinyarada aqoontooda laga faa’iideysto”.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Maxamed (Tuulax ) oo ka qayb galay munaasabad lagu soo xiraayay tartanka hal abuur ah Oo kus saasaabsanaa soo bandhigista Farshanaka sugaanta iyo shekooyinka ayaa sheegay in tartamada noocaan oo kale ah la sii xoojin doono, si dhalinyarada hal-buurka leh loogu bandhigo bulshada.

 

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close