Wararka
Wasiir Maareeye oo maanta kullan la qaatay Shaqaalaha Wasaaaradda Warfaafinta.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Wasaaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyadoo ujeedka kulanka ahaa in Wasiirku Shaqaalaha Wasaaradda u faahfaahiyo qaabka Tubaha ee dowladdu dooneyso in dalka lagu hogaamiyo iyada oo Wasaarad walba dhankeeda ka qaadanayso qaybta kaga aadan dhaqangalinteeda.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaqaalaha qaarkood ka dhageystay fikradaha ay soo jeediyeen iyo qaabka ay uga qayb qaadan karaan Hormarinta.
Wasiir Maareeye ayaa markii Sedexaad Wasiir ka noqday Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna shaqaalaha wasaradda Warfaafinta iyo shaqaalaha warbaahinta qaranka u ballan qaaday in aqoontooda kor loo qaadi doono ,dhawaanna loo furi doono macaahid kor loogu qaadayo xirfadooda shaqo.