Wararka
Madaxweyne Biixi ”waxaan diyaar u nahay wadahadal kasto oo mira dhal ah oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya”.
Mmadaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Abdi ayaa maanta ka qayb galay Dabaal-degga Xuska 18 May oo ku beegan Siddeed iyo Laabatan sano guuradii ay sheegen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.
Munaasabadaan oo lagu sheegay in ay aheed tii abid ugu balaarneed oo ay ka soo qayb galaan mas’uuliyiin tiro badan ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiintaas; Madaxweynihii hore ee Somaliland, Shir-guddoonka labada Gole, Maxkamadda Sare, Golaha Wasiiradda, Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Masuuliyiinta Axsaabta Somaliland, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland, Wasiirro ka socday Dawlad Deegaanka Soomaalida, Xildhibaanno ka socday dalalka Djibouti, Kenya iyo Uganda, Marti-sharaf ka kala yimid dalalka Ethiopia, UK, Denmark, Ururka Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN) iyo Diblomaasiyiinta Dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Turkey.
Madaxweynaha oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabada ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah waxaana kamid ahaa Adeegyada Bulshada ay u fududeeyeen sanadkaan oo ay wax ka qabteen Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Shaqo abuurka Dhallinyarada, Dhaqaalaha, Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Amniga, Doorashooyinka, Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia.
Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlaayay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in lagaaro wada hadalo mira dhal ah oo lagu gaaro meel fagaaro ah.
“Somaliland waxay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha. Sidaas darteed, Somaliland waxay door-bidaysaa in mushkillada Somaliland iyo Somalia lagu xalliyo wada hadal macno leh oo lagu qabto fagaare caalami ah” ayuu yiri madaxweyne Muuse.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta doorashooyinka ee Somaliland taas oo muddooyinkii danbe soo jiitamaysay iyadoo muran badan ka dhaxdhalisay Xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada. Xisbiyada mucaaradka ayaa soo jeediyay In la kordhiyo tirada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee Somaliland iyo in Komishanka Cusub uu qabto doorashooyinka, madaxweynaha ayaana sheegay in uu xisbiga KULMIYE aqbalay codsigaas.
‘Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waxa ay fuliyeen dhammaan wixii kaga soo aaday miisaaniyad iyo xeerarba. Waxa kale oo ay aqbaleen dhammaanba soo-jeedintii Axsaabta Qaranka ee ahaa – In la kordhiyo tirada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in Komishanka Cusub qabto doorashooyinka”.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas kudaray in ay samayn doonaan tanaasul si ay ku qanciyaan xisbiyada mucaaradka. “waxannu diyaar u nahay inaannu ka qayb qaadanno oo aannu weliba tanaasul badan u samaynno wax kasta oo suurtogal ah oo ay xisbiyada mucaaridku tabanayaan si ay doorashadu inoogu qabsoonto”.