Wararka

Madaxweynaha Puntland oo maanta furay Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo sabti ah daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland isagoo ardayda ugu duceeyay in uu Eba u fududeeya imtixaanka.

In Ku dhaw 16,000 oo arday ayaa u faristay imtixaanka maanta ka bilawday dhamaan gobolada kala duwan ee dowladda Puntland. 106 xarumood ayaa loo asteeyay in imtixaanka lagu qaado kuwaas oo maalinimadii shalay la gaarsiiyay warqadihii imtixaanaadka heerka 4aad ee dugsiga sare iyo heerka 8aad ee dugsiga hoose/dhexe.

Sidookale Qaar kamida mas’uuliyiinta dowlada Puntland ee ka qayb galay furitaanka Imtixaanka ayaa ardayda Alle ugu baryay in uu imtixaanka u fududeeya sidoo kale waxaa ay kula dardaarmeen in ay sii wadaan waxbarashada.

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close