Wararka

Madaxweynaha dalka Maraykanka oo xalad deg deg ah ku soo rogay shirkadaha Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii saxiixay amar dhigaayo in shirkadaha Maraykanka ay joojiyaan isticmaalka qalabka isgaarsiineed oo ay sameeyeen shirkadaha kale waxaa uuna ku dhawaaqay xaalad deg deg isagoo ka digay khatarta amniga maraykanka ay ku lahaan karaan shirkadaha kale, go’aankaan ayaana waddada u xaaraayo sidii loo mamnuuci lahaa shirkadda Huawei Technologies Co oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Madaxweyne Trump ayaa talaadadii sheegay in wada xaajoodkii ganacsiga ee ay kula jireen Shiinaha uusan burburin mar uu waryaasha kula hadlaayay Aqalka Cad ee looga arrimiya dalka Maraykanka.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa dhankiisa bartiisa twitter-ka ku soo qoray fariin ah in Shiinahau uu san ku ekeen Shiinaha balse uu Samayn dhaqaale ku leeyahy qarada Asiya iyo adduunka, mustaqbalka dhawna  in Shiinaha uu xiriir maalgashi layeelan doona addunka intiisa kale.

“maanta shiinaha ma ahan shiinaha oo kaliya balse waa Shiinaha iyo Asiya iyo Shiinaha iyo addunka, Shiinaha waxaa uu mustaqbalka dhaw maalgashi furan layeelan doonaa addunka”.

Madaxweyne Trump ayaa isna dhankiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku cadeyay xeriirka isaga iyo Xi Jinping ka dhaxeeyo waxaa uuna yiri “ xiriirka aan laleeyahay madaxweyne Xi Jinping waa mid aan cadi aheen, dhab ahaantii waa uu wanagsan yahay balse isagana waxaa uu matalaa Shinaha anigana waxaan matalaa maraykanka waana mid fudud”.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close